Mowqifyada Xisbiyada ee Qabsoomidda Doorashada 13/12/2019.

Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen (23/04/2019)[1], ay ku sheegeen in labada dhinac ay isla qaateen, in doorashada golaha wakiillada iyo deegaanka oo qorshaysan 13/12/2019, inay xilligaas loo qorsheeyey ay ku dhacaan, isla markaana in guddida doorashada ee haatan joogaa uu bilaabo hawlihii diiwaangelinta iyo diyaargarowga doorashooyinka golaha wakiillada iyo deegaanka, iyo in 1 August 2019, la soo xulo guddi doorasho oo cusub, hase ahaatee ay hab tababar ula shaqeeyaan guddida hore inta laga gaadhayo xilliga ay shaqada ka tegayaan guddida doorashada ee haatan joogaa oo wakhtigoodu dhammaanayo (29/11/2019).

Hase ahaatee arrintan waxaa ka soo horjeestay Xisbiga Waddani oo ku tilmaamay arrin aan macquul ahayn. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro[2] ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen labada Xisbi inaanay ahayn mid u danaynaysa hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka, wuxuuna ku baaqay in dib loogu soo noqdo miiska wada hadalka.

Kulmiye iyo UCID oo isku dhinaca iyo Xisbiga Waddani oo dhinac kale ah, ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin in doorashooyinku xilligooda ku dhacaan.

Hase ahaatee waxaa muuqata inaan Xisbiyada Qaranku aanay haynin illaa haatan jidkii ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyinku, waxaana werwer badan muujinaya in muddo 10 bilood ah, oo ay xisbiyadu wada-hadalo kala duwan lahaayeen inay ku heshiin la’yihiin inay xal ka gaadhaan arrinta Komishanka Doorashooyinka.

Illaa shan qodob oo ka mida caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan doorashada, sida ay sheegeen guddida doorashada ee Somaliland[3], oo ay ka mid yihiin Xeerkii Doorashada oo aan weli la ansixin, Saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka oo aan go’aan laga gaadhin, Xisbiga Waddani oo Kalsoonida kala noqday Guddida Doorashada iyo Miisaaniyadda Doorashada iyo Diiwaangelinta oo aan la hayn, ayaan dhammaantood illaa haatan wax xal ah laga gaadhin, illaa haatanna qodob ka mida shantaas qodob, midna lama xallin, inkasta oo ay xisbiyadu kulamo kala duwan qaateen, ayna sheegayaan inay diyaar u yihiin in doorashadu ay xilligeeda ku qabsoonto.

Muddo 18 sano ah oo Somaliland ay ku soo dhaqmaysay hannaanka dimoqraadiyadda, waxaa soo baxday inay soo noqnoqdaan dib u dhigis, muddo dhaaf iyo muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha qaranka, Madaxweynayaashii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Siilaanyo, waxay kursiga ku fadhiyeen wakhti ka badan intii la doortay, Golayaasha Deegaanka, Guurtida iyo Wakiillada waxaa loo sameeyey muddo kordhin, Guddidii Ururada laftooda waxaa su’aal culusi ka taagan tahay sharciyadda Guddida Ururada iyo Axsaabta Qaranku haatan ku shaqayso, iyada oo wakhtigooda shaqadu ahaa muddo laba sano ah, haddii ay xafiiska soo joogayaana ay ahayd in golaha wakiilladu ansixiyaan, hase ahaatee illaa haatan golaha wakiilladu muu ansixin, weliba way shaqeeyaan, Xisbiyada Qaranka laftoodu waxay marar kala duwan dib u dhigeen Shirweynaha Xisbiga iyo kalfadhiyada Golayaasha Dhexe, Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa noqday hay’adda keliya ee aan loo samayn muddo kordhin tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2002, inkasta oo haatan uu Xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday Guddida Doorashada ee haatan joogta.

Haddaba Xaggee wax ka khaldan yihiin? Maxaa keenay dib u dhacyada tirada badan ee doorashooyinka Somaliland? Maxaa ka khaldan hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland? Xisbiyada laftoodu dimoqraadi ma yihiin? Qodobadaas iyo kuwo kale ayaa warbixintani daaha ka rogaysaa.

WARBIXINTA OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA AKHRISO: Dimoqraadiyadda Muddo Kordhinta ku Dhisan 2019

HORDHAC

Ka dib 21 sano oo Somaliland ay ku hoos jirtay xukun milateri, xilligii ay qaybta ka ahayd Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, waxaa 18 May, 1991, ay Somaliland ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madaxbanaanideedii, iyada oo aasaaskii hore ee dhismaha dawliga ah lagu bilaabay, in odayaasha dhaqanku ay soo xulaan hoggaanka, isla markaana ay jaangooyaan hannaanka siyaasadeed ee dalka, sida shirweynihii ka dhacay magaalada Borama[4], taas oo lagu go’aamiyey haykalka dawliga ah ee haatan Somaliland ay ku shaqayso. Sannadkii 2001, ka dib markii dadweynuhu ay 97% ansixiyeen dastuurka dalka, waxay Somaliland xilligaas ka guurtey nidaamkii ku dhisnaa beelaha iyada oo loo guurey hannaanka Xisbiyada Badan, oo saldhig u ah nidaamka dimoqraadiga ah, waxaana la hirgeliyey in shacabku ay soo doortaan hoggaamiyayaasha metelaya.

Inkasta oo ay jireen siyaasiyiin ka ololeeyey hirgelinta dastuurka Somaliland haddana waxaa horkacay in la dhaqangalkiisa madaxweynihii xilligaas hoggaaminayey Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (1993-2002), waxaana xilligaas dalku qaatay nidaamka dimoqraadiyadda iyada oo dadweynuhu aanay aqoon badan u lahayn, taas ayaa noqotay in dadweynuhu kaga dhaqmaan ama ka aaminaan dimoqraadiyadda wixii ay siyaasiyiintu u sheegaan.

18 sano ka dib, xilligii la qaaday aftida dastuurka, waxaa Somaliland ay qabatay illaa lix doorasho iyo laba jeer oo diiwaangelin codbixiye ah, kuwaas oo u dhacay si nabadgelyo ah, waxaana haatan ay Somaliland leedahay mid ka mida diiwaangelinta codbixinta ee dunida ugu casrisan. Hase ahaatee waxaad moodda in nidaamka dimoqraadiyadda ee Somaliland ka jiraa inaanu weli u hanaqaadin sidii laga filayey, waxaana xagal-daaciyey hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland, muddo kordhin soo noqnoqotay.

Xisbiyada Somaliland.

Sida ku cad qodobka sagaalaad ee Dastuurka, waxaa Somaliland ay qaadatay hannaanka Xisbiyada badan oo tirada xisbiyada lagu xaddiday 3 keliya. Waxaana Xisbiyada Qaranku ay ka soo dhex baxayaan ururo siyaasadeed oo ku tartamaya golayaasha deegaanka. Bishii December 2002 ayay Somaliland ka qabsoontay doorashadii ugu horraysay oo ay ku tartameen toddoba urur siyaasadeed oo kala ahaa UDUB, Kulmiye, UCID, Sahan, Hormuud iyo Asad[5]. Waxaana soo baxay oo Xisbiyo Qaran u soo gudbay UDUB, Kulmiye iyo UCID, iyaga oo shaqaynayey muddo 10 sano ah oo ay ka soo qayb qaateen doorashooyinkii Somaliland ka dhacay sida Doorashadii Madaxtooyada ee dhacday April 2003, Golaha Wakiillada oo dhacday September 2005 iyo Madaxtooyada oo markale qabsoontay June 2010. Hase ahaatee wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Doorashada golayaasha deegaanka (Xeer Lr. 14/2011) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo in ururo cusubi ay u tartami Golayaasha Deegaanka 2012 si ay uga soo dhex bixi karaan 3 Xisbi Qaran oo cusub. Waxaana doorashadii dhacday November 2012 ee dawladaha hoose, markale ku tartamay ururo siyaasadeed iyo labadii Xisbi Qaran ee jiray, kuwaas oo kala ahaa Kulmiye iyo UCID iyo 5 urur siyaasadeed oo cusub oo kala ahaa Waddani, Umadda, Xaqsoor, Rays iyo Dalsan. Waxaa Xisbiyo Qaran u gudbay, Xisbiyada kala ah Kulmiye, Waddani iyo UCID.[6]

Qaabka Maamul ee Xisbiyada:

Xisbiyadu waa seeska ay ahayd inuu ka kobco nidaamka dimoqraadiga ah ee ay Somaliland qaadatay, hase ahaatee 18 sano ka dib, waxaa muuqata, in weli aanay korin xisbiyadu, iyaga oo u muuqda kuwo awoodda xisbigu ay ku kooban tahay shakhsiyaad kooban[7], oo aanay ahayn mid awoodiisu daadegsan tahay oo cid waliba ka qaybgeli karto. Xisbi walba waxaa maamula oo leh awoodda ugu badan, ciddii seeska u dhigtay.

Meelaha dhaliisha ugu weyni ka haysato Xisbiyada ayaa ah, inay u ekaadeen, goob ay reernimadu ka awood badanayso xisbinimada. Reerka uu ka soo jeedo musharaxa Xisbiga ama Guddoomiyaha Xisbiga ayaa noqday kuwa bixiya dhaqaalaha ugu badan ee Xisbiga, sidoo kalena waxay taasi horseedday in Xisbigii loo maamulo sida ay doonayaan reerka ama cidda bixisay dhaqaalaha Xisbiga, taasi waxay meesha ka saartay falsafaddii laga lahaa Xisbinimada, ee ahayd in lagaga baxo qabyaalladda, isla markaana Xisbiyadu noqdaan goobta kobcinaysa dimoqraadiyadda iyo maamul wanaagga.

Sida ku cad warbixin ay soo saartay CPA (2018), ka dib ololihii doorashada madaxtinimada ee sannadkii 2017[8], ayaa lagu sheegay in illaa haatan aanu jirin xisbi qaran oo Somaliland ah oo u gudbiyey guddida doorashada xisaab-xidhkiisa, waxaana xusid mudan in qodobka 23aad ee Xeer No. 14, inuu waajibinayo, in Xisbi walba uu dhammaadka bisha March ee sannad walba inuu u gudbiyo guddida doorashada, Xisaab-xidhkiisa oo uu hubiyey hanti-dhawre madaxabanaani. Arrintani waxay su’aal badan gelinaysaa daahfurnaanta maaliyadeed ee Xisbiyada, inkasta oo Xisbiyada qaarkood ay su’aal gelinayaan nooca Xisaab xidhka ee loo baahan yahay, ama aanay ku niyad samayn Xeer No. 14 laftiisa.

Maamulka Xisbiyada Somaliland wuxuu ka kooban yahay qaybo kala duwan sida, Hoggaanka Xisbiga, Xoghayaha Fulinta iyo waaxaha maamul ee Xisbiga, Guddida Fulinta, Golaha Dhexe iyo Shirweynaha Xisbiga. Awoodda Guud ee Xisbiga waxaa leh Shirweynaha, halka Golayaasha dhexe ee Xisbiyadu ay yihiin awoodda ku soo xigta shirweynaha, oo dooranaysa musharaxii Xisbiga iwm, hase ahaatee waxaa caqabad noqotay tirada golayaasha dhexe oo aad u badan, iyo qaabka ay ku imanayaan oo aan ahayn mid daahfuran, taas oo sababtay inuu yaraado isla xisaabtankoodu, tusaale ahaan Xisbiga talada haya ee Kulmiye waxaa golihiisa dhexe uu yahay (Feb 2019) 330 xubnood oo ay ku jiraan xubnaha golaha dhexe ku soo gelaya xilka ay hayaan, halka tirada xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga UCID ay tahay 181, Xisbiga Waddani ayaa golihiisa dhexe uu yahay 669 oo xubnood.

Tirada aadka u badan ee golaha dhexe, iyo soo xulistooda oo aan loo raacin hab daahfuran xisbiga dhexdiisa, ayaa waxay horseedday inay yaraadaan la xisaabtankii looga baahnaa golaha dhexe ee Xisbiga ama inay Xisbiga ku dul-joogteeyaan inuu ku dhaqmo shuruucda iyo siyaasadda goluhu ansixiyey. Xilliga keliya ee golaha dhexe, dhaqdhaqaaq laga dareemo ayaa ah, marka xilal la magcaabayo ama hoggaanka iyo musharaxa xisbiga la dooranayo, taas oo inbadan oo marar badan ay dadweynuhu sii saadaalin karaan musharaxa ay dooranayaan Xisbigu, inkasta oo loollan adag la galo.

SHIRWEYNAYAASHA XISBIYADA

Shirweynaha ayaa ah, hay’adda ugu sarraysa ee Xisbiyada Qaranka, hase ahaatee, waxaa dhaliilo badan loo soo jeediyaa habka loo soo xulo ergada imanaysa shirweynaha xisbiga, maadaama aanay jirin diiwaangelin rasmi ah oo gobollada oo dhan ay ka hirgeliyeen Xisbiyadu oo ay ku og yihiin taageerayaashooda rasmiga ah, Xisbiyada qaarkood ayaa ergada shirweynaha u qaybiya hab beeleed, halka kuwo kalena ay ku soo xulaan hab gobol, balse waxaa marwalba aan ka madhnayn, in ergada imanaysa ay saamayn ku leeyihiin hoggaanka sare ee Xisbiga, oo marwalba ka fikiraya in shirweynaha ay ka soo baxaan ugu yaraan qodobo ay maanka ku hayaan. Taasi waxay meesha ka saartay in la helo xisbiyo ay taageerayaashu saamayn ku yeelan karaan talada Xisbiga.

Dimoqraadiyadda Xisbiyada Dhexdooda:

Muddo 18 sano ah ka dib, markii Somaliland ay qaadatay hannaanka Xisbiyada badan, waxaa weli aan muuqan, dimoqraadiyad rasmi ah oo ka dhex shaqaysa xisbiyada dhexdooda. Waxaa caado noqotay, in awoodda, talada iyo siyaasadda xisbigu inay ku ururto dad kooban, gaar ahaan guddoomiyaha Xisbiga. Waxaa marar kala duwan dhacday in Guddoomiyaha Xisbiga oo kaashanaya Golaha fulinta ama golaha dhexe inay xisbiga ka saaraan masuuliyiin sarsare oo qaarkood lagu doortay gole dhexe, shirweyne ama xubno hoggaanka sare ka tirsan. Tusaale ahaan sannadkii ugu dambeeyey, waxay xisbiyadu eryeen masuuliyiin kala duwan oo xilal sare hayey, waxaana tusaale ku filan:

  1. 13/01/2019 Qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Guddoomiye Xigeenkii KG, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ka dib markii la dhegeystay soo jeedinta guddi anshax oo uu leeyahay Xisbiga UCID sida ku cad qoraalka, waxaana laga qaaday Xilkii Guddoomiye Xigeen iyo weliba Xubinimadii Xisbiga. Cabdinaasir Muxumed oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu isagu iscasilay oo xilka ka tegey. Guddoomiye Xigeenkii UCID oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khilaafkoodu salka ku hayey kala aragti duwanaansho Xisbiga dhex timi, isagoo sheegay inuu iscasilay.[9]
  2. 30/09/2018, Waraaq ka soo baxday xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa xilkii lagaga qaaday Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige, waxaana sababta loo eryey Jaamac Shabeel lagu macneeyey inay tahay, ka dib markii uu joogtaystay inuu ka horyimaaddo siyaasadda Xisbiga iyo tan xukuumadda Kulmiye, abaabul ka dhan ah Xisbiga oo uu sameeyey, iyo inuu wax u dhimay hab maamuuska xilka uu hayo. Guddoomiye Jaamac Shabeel kuma qancin go’aanka Xisbiga, wuxuuna ku tilmaamay sharci darro.
  3. 24/12/2018, qoraal kale oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey xubno ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo kala ahaa, Cabdullaahi Jaamac Geeljire, Cabdi Cali Jaamac, Cismaan Axmed Maxamed, ayaa lagu sheegay in guddida fulinta ee Xisbigu eriday ka dib markii xubnahani ay jebiyeen shuruucdii, xeerhoosaadkii xisbiga iyo kala dambayntii Xisbiga, waxaana lagu sheegay in xubnahani aanay ka mid ahayn taariikhdaa laga bilaabo golaha dhexe iyo xisbigaba. Hase ahaatee xubnaha xilka laga qaaday oo warbaahinta la hadlay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankan, waxaana Cabdi Cali Jaamac iyo Cabdullaahi Cismaan ay warbaahinta ka sheegeen inaan xataa waxba laga weydiin eedaha loo soo jeedinayo ama fursad aan loo siin inay isdifaacaan.
  4. 15 April 2018 – Go’aan ka soo baxay Xisbiga Waddani ayaa xilkii lagaga qaaday Xoghayihii guud ee xisbigaas Maxamed Cabdullaahi Uurcadde, iyada oo lagu eedeeyey inuu ka hor yimi xisbiga oo uu dhaawacay midnimada Xisbiga. Waxaana Guddida Fulinta ee Xisbiga Waddani ay ka qaadeen Xilkii Xoghayaha Guud iyo Xubinimadiisii Xisbiga.[10] Xoghayaha Xilka laga qaaday ayaa tallaabada uu qaaday Xisbiga Waddani ku tilmaamay inay tahay qayral sharci, isaga oo sheegay inaanu aqbali doonin, wuxuuna sheegay in guddida fulintu aanay u dhamayn xil ka qaadistiisa.[11]

Tallaabo waliba waxay leedahay dooddeeda sharci, iyada oo Xisbiyadu ay sheegeen inay u mareen xeerarka Xisbiga u yaalla markii ay qaadayeen tallaabooyinkan, hase ahaatee arrintani waxay dood badan gelinaysaa nooca dimoqraadiyadeed iyo isu-dul-qaadashada kala aragti duwaananshaha Xisbiyada ka dhex jiri karta.

Arrintani waxay marag u tahay, in Xisbiyadu ay weli u baahan yihiin in dimoqraadiyad laga dhex dhaliyo.

Dimoqraadiyadda somaliland: Muddo Kordhin lagu heshiis yahay

Somaliland waa dal yar oo dimoqraadi ah oo ku yaalla gobol ay maamulaan madax kursiga ku raagtay, ama goobo colaado ka jiraan, taasina waxay sare u qaadday sumcadda Somaliland, maadaama ay si furfuran u hirgelisay nidaamka dimoqraadiga ah, muddo 18 sano ah waxaa Somaliland ay hirgelisay 3 Doorasho Madaxweyne, 2 Doorasho Deegaan iyo hal Doorasho Baarlamaan, waxaa Somaliland laga hirgeliyey diiwaangelinta codbixiyaha ee dunida ugu casrisan, taas oo muujinaysa horumarka dhinaca farsamada casriga ah ee doorashada ay ka gaadhay Somaliland.

Hase ahaatee waxaa dhaawac ku noqday hannaanka dimoqraadiyadda ee Somaliland, ka dib markii xilligoodii lagu qaban waayey doorashooyinkii kala duwanaa, taasina ay keentay inay xafiisyada sii fadhiyaan xubnihii la doortay ama la magcaabay. Tusaale ahaan:

Muddo-kordhinta hay’adaha dastuuriga ahi waxay dhaawac weyn ku tahay hannaanka dimoqraadiyadda ee Somaliland qaadatay, waxaana muuqata inaan 18 sano oo lagu soo dhaqmayey nidaamkan, inaanu weli si daadegsan u hirgelin. Saddex doodood ayaa ugu waaweyn, marka laga hadlayo sababaha keena muddo kordhinta hay’adaha dastuuriga ah:

  1. Dood siyaasi ah oo la xidhiidha in xubnaha la doortay, inaanay doonayn inay ka tagaan kuraasta isla markaana ay qayb ka yihiin duruufaha keenaya dib u dhaca doorashooyinka, ama in xubnaha la doortay laftoodu ay ka gaabiyaan inay sameeyaan shuruucdii horseedi lahayd in doorashooyin qabsoomaan.
  2. Qabyo sharci: xilli walba waxaa jirta qabyo sharci, waxaana soo noqnoqota wax ka bedelka lagu sameeyo xeerarka doorashada, tusaale ahaan Xeerka Doorashada ururada iyo Axsaabta oo markii ugu horraysay la soo saaray sannadkii 2001[18], waxaa waxka bedel lagu sameeyey illaa lix jeer, sidoo kale xeerarka kale ee doorashada ayaa si joogto ah wax ka bedel loogu sameeyaa. Arrimahan waxay culays ku yihiin hannaanka doorashada, sidoo kale waxaa caqabad ah iyada oo xeerarka doorashada lagu qaban lahaa qaarkood aanayba jirin, ama samayntoodu ay ku xidhan tahay hay’adihii lagu dooran lahaa sida:
    1. Illaa haatan lama hirgelin sharcigii lagu soo dooran lahaa golaha Guurtida, mana muuqato dedaal loogu jiro in sharcigaas la sameeyo, sidoo kale dhinaca golaha Guurtida kama muuqato doonis la xidhiidha inay Xeerka lagu soo dooran lahaa ay sameeyaan.
    2. Xeerka Doorashooyinka oo muhiim u ah doorashada golaha baarlamaanka ayaa muddo sannad ku dhow horyaalla golaha wakiillada, illaa haatanna golahaasi wax dood ah kama yeelan. Xubnaha golaha wakiillada ayaa dooddooda ugu weyni ay tahay, in xeerku u xanniban yahay, qodobka la xidhiidha saamiga kuraasta golaha wakiillada oo ay sheegeen, in xukuumadda iyo hay’adaha kale ee ay khusayso inay marka hore ka soo go’aan gaadhaan, si xeerka loogu daro oo loo ansixiyo, illaa haatanna ma muuqdo dedaal loogu jiro in xal laga gaadho qodobka la xidhiidha saamiga kuraasta baarlamaanka, si loo meelmariyo xeerkaas oo muhiim u ah in dalka doorasho ka qabsoonto.
  3. Dood farsamo oo la xidhiidha, dhaqaale yarida jirta iyo awoodda dalka oo aan qaadi Karin doorashooyin is xigxiga, tusaale ahaan madaxweyne Muuse Biixi oo la doortay 2017, wuxuu xafiiska la wareegay iyada oo ay miiska u taallo inuu qabto Doorashooyinka golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyo weliba Guurtidu. Waxay noqonay in madaxweynaha la doortay uu wakhtigiisa geliyo qabashada doorashooyinka halkii uu hawlo kale ka gelin lahaa. Taasi waxay fursad siisaa in siyaasiyiin la soo doortay oo dadweynuhu sugayeen inay codkooda ku bedelaan inay arrintaas qiil ama marmarsiinyo ka dhigtaan.

gebo-gebo

Xaaladda doorashooyinka ee Haatan Taagan

  1. Illaa haatan waxaa muuqata inaanay ka go’nayn dhinacyada ku lug leh hawlaha doorashooyinku, inay xal ka gaadhaan caqabadaha horyaalla doorashada oo ay ugu weyn yihiin arrinta guddida doorashada iyo dhamaystirka xeerka doorashada oo ay ku jiraan ka go’aan gaadhista saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka iyo qoondada haweenku. Maadaama madaxweynuhu leeyahay masuuliyadda qabsoomidda doorashada, Xarunta CPA waxay Madaxweynaha ugu baaqaysaa inuu la yimaaddo hoggaamin rasmi ah oo uu ku furdaaminayo caqabadaha horyaalla doorashada, isla markaana uu la yimaaddo xal dhexe oo lagaga gudbi karo is-mari-waaga ka taagan oo ay ka mid tahay arrinta guddida doorashada iyo qodobada kale ee caqabadda ku ah qabsoomidda doorashooyinka soo socda, isla markaana uu mudnaanta siiyo sidii ay doorasho u qabsoomi lahayd.
  2. Xisbiga Waddani wuxuu xaq u leeyahay in la dhegeysto tabashada uu ka muujinayo Guddida Doorashada, dhinaca kale waxaa xarunta CPA ugu baaqaysaa Xisbiga Waddani inuu isaguna la yimaaddo xal dhexe oo lagaga gudbi karo ismari-waaga taagan, isla markaana uu mudnaanta siiyo sidii doorasho u qabsoomi lahayd.
  3. Madaxweynaha, golaha baarlamaanka iyo Xisbiyada qaranku waa inay si wada jira uga shaqeeyaan sidii loo dedejin lahaa dhamaystirka iyo ansixinta xeerka doorashada.

Talo soo jeedin Hannaanka doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda:

  1. Somaliland waxay u baahan tahay inay samayso guddi xaqiiqo raadis oo madax banaan, oo ay si wadajira kalsooni u siiyaan, dhammaan dhinacyada ay khuseeyaan hawlaha doorashooyinku, guddidaas oo shaqadiisu noqon karto
    1. Inuu dib u eego, waayo aragnimadii laga soo dhaxlay hannaanka doorashooyinka 18-kii sano ee ugu dambeeyey, casharada laga baran karo iyo caqabadaha ka yimi muddadaas ee ay tahay in la saxo.
    2. Inuu si qoto-dheer u qiimeeyo, hannaanka doorashooyinka ee Somaliland, isaga oo la akhriyaya duruufaha dhaqan-dhaqaale ee
      Somaliland, waxaana laga doonayaa inuu keeno xal rasmi ah oo la xidhiidha, sida loo midayn karo doorashooyinka, arrimaha qabyada ah ee horyaalla doorashooyinka ee ay tahay in la dhameeyo iwm. Arrimaha hoos loo eegi karo ee xal u noqon kara in la mideeyo doorashooyinka Somaliland waxaa ka mida:

      1. In la daraaseeyo qaabka doorashada ee dalka Kenya, iyaga oo lix doorasho hal mar wada gala, waxaana guddidu daarasayn karaan, in arrintaasi ay Somaliland ka dhaqangeli karto
      2. In la qaadan karo qaabka doorasho ee dalka Nigeria, iyaga oo Doorashooyinkooda gala, laba toddobaad oo isku xiga, toddobaadkan waxaa la gelayaa doorashada madaxtooyada, halka toddobaadka xigana doorashooyinka kale la qabanayo[22]
  1. Inuu dib u eego, shuruucda doorashada ee ay ahayd in lagu dhaqo hannaanka doorashooyinka, haddii la dhaqan geliyey, ama qaarkood lagu dhaqmi waayey, sababaha keenay in lagu dhaqmi waayo, iyo talooyin la xidhiidha halka looga gudbi karo. Waxaa tusaale ku filan inay jiraan qodobo sharci oo ay ahayd in lagu dhaqo Xisbiyada oo aan illaa haatan la dhaqan gelin, sida Qodobka 23aad ee Xeer Lr 14.
  2. Inuu dib u eego sababaha ay u kori waayeen Xisbiyada Qaranku, iyo doodaha la xidhiidha inaan dimoqraadiyadi ka dhex jirin ama in Xisbiyada taladoodu ku kooban tahay dad kooban.
  3. Sidoo kale waxaa guddidan madaxa banaanni daraasaynayaa, doorka ay ka ciyaari karaan arrimaha doorashada, ururada bulshada rayidka ah, Hay’adaha ammaanka, Maxkamadaha iwm.
  1. Waxaa loo baahan yahay in dib u habayn rasmi ah lagu sameeyo habka korjoogtaynta ee Xisbiyada, iyada oo la raacayo Xeer Lr.14 iyo in Xisbiyada dhexdooda ay ka muuqato daahfurnaan iyo hannaan dimoqraadi ahi, waxaana arrimaha mudan in dib loo habeeyo ka mida
    1. Haatan awoodda Xisbiyadu waxay gacanta ugu jirtaa hoggaanka sare ee Xisbiga, waxaa loo baahan yahay in la daadejiyo awoodda Xisbiga. Isla markaana la dhiso xarumihii Xisbiga ee Gobollada iyo degmooyinka oo ay awood ku yeeshaan shirweynaha Xisbiga iyo xilliyada la gaadhayo go’aannada masiiriga ah.
    2. Waa in gobol/degmo kasti diiwaangeliyo, xubnaha Xisbiga, taas oo horseedi karaysa in la ogaado xubnaha xisbi waliba ku leeyahay gobolka, taasi waxay horseeday in ergada imanaysa shirweynaha Xisbiga, laga soo dhex doorto, xubnaha gobolka ka diiwaangashan, taasi waxay kor u qaaday isla xisaabtanka Xisbiga Dhexdiisa iyo weliba xisbinimadu inay qiime yeelato. Xisbiga Waddani ayaa haatan bilaabay diiwaangelinta xubnaha Xisbigiisa.[23]
    3. Waa in dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo guddida ururada iyo axsaabta qaranka, isla markaana la xalliyo doodaha horyaalla sharcinimada hay’adda. Sidoo kale waa in hay’adda loo dhiso, nidaam xoog badan oo ay awood u yeelan karto inay la xisaabtami karto ama korjoogtayn karto xisbiyada iyo ururada dalka.
  2. Haatan waxaa aad u hooseeya doorkii ururada bulshada rayidka ahaa ay ku lahaayeen inay dusha kala socdaan hawlaha doorashooyinka, CPA waxay soo jeedinaysaa in ururada bulshada rayidka ahi ay dib isugu noqdaan oo ay ka fekeraan sidii ay door firfircoon uga cayaari lahaayeen korjoogtaynta hannaanka doorashooyinka ee Somaliland.
  3. In la dhiso Hay’adaha doorashooyinka gaar ahaan Guddida Doorashada oo laga dhigo hay’ad la jaanqaadi karta baahiyaha heer qaran ee looga baahan yahay, haatan hannaanka uu u dhisan yahay guddida doorashada ee Somaliland maaha mid ka soo bixi kara masuuliyadaha laga doonayo waxaana sabab u ah:
    1. Illaa haatan ma jirto miisaaniyad ku filnaan karta shaqaalaha xirfadda sare leh iyo kuwa maamulka, ee ay tahay inay ka shaqeeyaan hawlaha doorashada gaar ahaan xarunta dhexe, waxaana mar walba dhacda, in shaqaalaha xirfadda lehi inay ka tagaan shaqada marka xilliga doorashadu uu dhammaado, taasi waxay keenaysaa inuu dhismi waayo guddida doorashada, oo ay hay’addu xasuus-guurto, marka shaqaalihii xirfadda lahaa ay ka tagaan. Waxaa loo baahan yahay in dib loo eego.
    2. Illaa haatan ma dhisna xafiisyadii guddida doorashada ee gobollada iyo degmooyinku. Xilliga doorashadu soo dhowdahay ayaa la hawlgeliyaa Guddoomiyayaasha gobollada iyo degmooyinka ee hawlaha doorashada ka shaqaynaya, waxaana la siiyaa heshiis shaqo oo u dhexeeya 4 illaa 6 bilood iyo mushahar kooban. Haddaba Masuuliyiintii maamulayey doorashada gobollada iyo degmooyinka dalku, marka ay ogyihiin in shaqadoodu ku egtahay inta doorashadu socoto,
      1. Waxaa dhici karta in shakhsiyaad xirfad iyo aaminaad lihi inaanay soo doonan, inay noqdaan Guddoonka doorashooyinka ee gobollada iyo degmooyinka, maadaama wakhtiga heshiiska shaqo kooban yahay shaqaduna culus tahay, isla markaana shaqadu ay leedahay godob badan.
      2. Masuulku marka uu ogyahay in wakhtigiisu ku egyahay xilliga doorashada, waxaa dhici karaysa inaanu masuuliyaddiisa u gudan sidii looga baahnaa

Haddaba waxaa muhiim ah in si rasmi ah loo dhiso hay’adda doorashooyinka dalka, si ay ula jaanqaadi karto masuuliyadaha looga baahan yahay.

  1. In la sameeyo kala xadaynta goobaha codbixinta, isla markaana la hirgeliyo “Deegaan Doorashooyin”. Waxaana taasi ay horseedaysaa in magaalo walba/gobol walba in loo qaybiyo deegaan doorashooyin, iyada oo deegaan doorasho kasta laga soo dooranayo kursi ama laba kursi oo baarlamaan/deegaan. Taasi waxay hoos u dhigaysaa nidaamka qabaliga ah, maadaama deegaan doorashada ay ku wada noolaan karaan reero kala duwan, iyada oo kor u qaadaysa in bulshadu si fudud ula xisaabtami karto xubinta ay doorteen.
  2. Waxaa aad u hooseeya wacyiga dadweynaha ee la xidhiidha xuquuqdooda aasaasiga ah, iyo ka war haynta hawlaha doorashooyinka, CPA waxay ku baaqaysaa in laga shaqeeyo in kor loo qaado wacyiga codbixiyayaasha isla markaana in la baro shuruucda dalka si ay u ogaan karaan xuquuqdooda aasaasiga ah.

 

Dhammaad

[1] Shirjaraa’id Xisbiyada UCID iyo Kulmiye “Qabsoomidda Doorashada” Eryal TV https://www.youtube.com/watch?v=XDX6O2zhRYk

[2] Shir Jaraaid, Cabdiraxmaan Cirro. https://www.youtube.com/watch?v=jwN0C8MjADw

[3] NEC, 2018 “Caqabadaha Doorashada” http://www.slnec.com/wp-content/uploads/2018/11/Warsaxafadeed-xarunta-kdq.pdf

[4] APD 2004, “RECONCILIATION, PEACE-BUILDING AND THE INTRODUCTION OF THE DDR PROCESS IN SOMALILAND” https://apd-somaliland.org/wp-content/uploads/2014/12/Sudan-DDR-training.pdf

[5] EU Report about Somaliland’s Local Council Elections of 2002, http://www.somalilandlaw.com/SL_Local_Elections_EU-GTZ_Final_Report_2002.pdf

[6] NEC Results of 2012 Local Counsel Elections http://www.somalilandlaw.com/NECResults_by_region-party.pdf

[7] Warbixinta CPA ‘Dhaqaalaha ku baxa ololaha Doorashada Somaliland, 2018’ http://cpahorn.net/wp-content/uploads/2019/01/Final-Somali-Version-JUNNE-2018.pdf

[8] Warbixinta CPA ee “Dhaqaalaha ku baxa Doorashooyinka Somaliland” http://cpahorn.net/wp-content/uploads/2019/01/Final-Somali-Version-JUNNE-2018.pdf

[9] https://www.youtube.com/watch?v=N8UH4KeIKVU

[10] https://geeska.net/xoghayahii-guud-ee-xisbiga-waddani-oo-laga-qaaday-xilkii-iyo-xubinimadii-xisbigaas/

[11] https://www.youtube.com/watch?v=OG8-llmWCxY

[12] https://www.slnec.com/wp-content/uploads/2017/01/wax-ka-Bedelka-iyo-Xeerka-Nidaamka-ururada-iyo-axsaabta-siyasadda.pdf

[13] http://www.somalilandlaw.com/_elders__selection_law.html#SLLcom

[14] Qodobka 59aad (1) ee Dastuurka JSL http://garyaqaankaguud.com/wp-content/uploads/2016/06/Dastuurka-Jamhuuriyadda-Somaliland.-2001-pdf.pdf

[15] http://www.berberanews.com/mudanayaasha-guurtida-oo-muddeeyay-doorashada-wakiillada-iyo-tii-deegaanka-oo-aan-la-soo-hadal-qaadin/

[16] https://www.slnec.com/about-nec/history-of-nec/

[17] https://goobjoog.com/somaliland-xisbiga-waddani-oo-kalsoonida-kala-noqday-guddiga-doorashada-codsadana/

[18] http://www.somalilandlaw.com/xeerka_xisbiyadda.htm#Conscopy

[19] Heshiis ay gaadheen UCID iyo Kulmiye oo ku saabsan qabsoomida doorashada (Apr 23) https://www.youtube.com/watch?v=_4mgxnR_jEM

[20] Waa xilliga uu wakhtigu ka dhammaanayo guddida doorasho ee haatan jooga, oo muddo xileedkoodii shanta sano ahaa ayaa ku eg 29/11/2019

[21] Wakhtiga la filayo inay dhacdo doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka oo golaha guurtidu ku dhawaaqay

[22] Crisisi Group Report “Nigeria’s 2019 Elections: Six States to Watch” https://www.crisisgroup.org/africa/west-africa/nigeria/268-nigerias-2019-elections-six-states-watch

[23] https://waddani-party.org/2018/11/05/daawo-qaadashada-card-ka-xibinimada-xisbiga-waddani-oo-si-xawli-sare-ah-u-socota/

Leave a Reply

Your email address will not be published.